Hanka iyo hanqal-taagga dhallinyarada

187459170_155461446543656_5721233687251819438_n

 

by Ifrah Mohamed Osman

Hanka iyo hanqal-taagga dhallinyarada.

Dhallinyaradu waxay mar kasta isku dayaan muujinta qiimaha ay lee yihiin iyo in ay soo bandhigaan waxayaalo cusub oo xiiso leh waayo waa jilayaasha kacaanka elektorooniga iyo tiknooloojiyada qarniga 21aad, sidoo kale taas bedelkeeda waxay u baahan yihiin in la aqoonsado kartidooda lana siiyo kalsooni buuxda si ay u helaan fursad ka dhigaysa xiddigaha wadankeena, kuwaasoo lagu aamini karo daadihinta iyo maaraynta qadiyadaha dalka ee u baahan caqli fayow oo dhallinyaro ah. Hanku waa sida seefta oo kale, haddii la dayaco wuu miriraa balse haddii la maareeyo oo la shaqo geliyana wuxuu noqdaa mid iftiimaya oo wax-soo-saar leh. Waxaa jira dhalinyaro han iyo hal-abuur leh oo u qalma in garab iyo gacan-qabad la siiyo, si ay tusaale ugu noqdaan kuwa kale dhanka aqoontooda sare iyo hal abuurkooda, dhallinyarada noocaan ah ma ahan kuwa jecel shaqooyinka rootiinka ah iyo in ay noqdaan hawlwadeenno xafiis. Waqti yar ka dibna dhallinyaradaas waxaa la arkaa ayagoo dhex-jiiray safaf badan oo ka horeeyey kuwaasoo caaradka hore gala ayagoon wax cabsi ka qabin in ay fashilmaan, meel kasta oo ay tagaana waxay ku sii biiriyaan dhiig cusub waayo waxay la falgalaan bulshada iyo hab fikirkeeda. Dhallinyarada noocaas ah waxaa u hanqaltaaga kuwa ku xiga ee safka labaad ku jira si ay u tiigsadaan halka ay gaareen waayo waxay soo bandhigeen sawir wanaagsan oo ka duwan waxa aan dhallinyarada maanta jirta intooda badan ku aragno oo caajis, ma shaqaystinimo iyo dayacaad awoodii Dhalinyarnimo ayagoo waqtigooda inta badan ku lumiya iska fadhiga xeebaha, aabyaaladda, isticmaalka maandooriyaha, ama ku dhex yabaalidda baraha bulshada taasoo keenta in ay ka go’aan waaqaca dhabta ah ee ay la nool yihiin kaasoo ah wax ka bedelidda xaalka dalka iyo ka shaqaynta amnigiisa. Dhallinyaradu ma ahan riyo iyo Dhalanteed balse waa waaqac dhab ah, ayna tahay inaan la fududeysan, waa kuwii ka danbeeyey kacdoonadii dawladaha carabta qaarkood!, waa kuwa sababta u noqday bedelidda xukuumado iyo kaligtalisyo awoodda dalalkoodq ku takrifalay!? Waa kuwa hor istaagay bishan dhexdeeda mashruucii muddo kororsiga sharcidarrada ahaa oo dalkeena god dheer ku ridi lahaa!?! Miyaysan dhallinyaradu ahayn kuwa ruxay carshigii dib u dhaca iyo wax qoris la’aanta si horumar iyo horukac loogu tallaabsado. Sidaas daraadeed waxaan ku raja weynahay in manaahijta waxbarashada aysan noqon mid ka fog suuqa shaqada, waana in uu noqdo mid dheelitiran dhinac kasta kuna qotoma baahida dawladda iyo tan bulshada. Dhallinyaradeena Soomaaliyeed waxay soo mareen duruufo adag oo sababay in ay ka firxadaan dalka, caqligoodii, cilmigoodii iyo cududoodiina la aadaan dhismaha dalal kale, taas bedelkeeda waa in ay si dhab ah u waajahaan xaaladda adag ee dalka ka jirta ayna hindisaan xalka looga bixi karo dhibka dalkeena ka jira ayagoon ka baxa xaaladda martinimada oo kale ah. Gabagabdii, Dhalinyaradu waa muqtaqbalka wadanka, waana kuwa laga sugayo in ay keenaan xalka mushkiladaha ka jira dalkeena.

Qore: Ifrah Mohamed Osman

Email:ifraaxtaakoyar@gamil.com

Thanks

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *