Nolol waa kalimad yar balse xambaarsan macna weyn

By Ifrah Mohamed Osman 126793035_1300892800265065_1048657809662687752_n

Nolol waa kalimad yar balse xambaarsan macna weyn. Noloshu waa dadka, maalmaha iyo dhacdooyinka, sidoo kale waa murugo, Farxad, xiiliyada afarta ah ee sanadka iyo isbedel-bedelkooda, waa qoyska, kala tagga iyo isu imaatinka iyo wax kale oo badan. Noloshu waa wax badan oo isku dhafan, waxaana laga yaabaa in saamaynteeda qofba qofka kale uga duwanaato, laakin si kastoo kala duwanaanshahaas uu u jiro noloshu waxay ahaanaysaa nolol huwan macnaheeda weyn oo ay ku adag tahay qof kasta in uu soo koobo aqoonta la xiriirta nolosha. Noloshu waa badweyn ballaaran oo hirarkoodu ay kacsan yihiin mararka qaarkood, halka marar kalena ay deggan tahay, waxaa nolosha ka buuxa dhacdooyin badan oo mararka qaarkood iska soo horjeeda, mar waxay kugu qaabilaysaa waji qurxoon, marna waji qalafsan, balse si kasta oo ay tahay noloshu waxay ahaanaysaa mid laga dhex helayo wax qurxoon, qofka bani’aadamka ah ma dareemayo macaanka nolosha haddii uusan dhadhamin qaraarkeeda. Nolasha waxaa ka buuxa sooyaal iyo tijaabooyin uu qofku maro wax badanna ka barto si loo helo qof waaya-arag ah oo yaqaana waxa ku hoos duugan nolosha. Noloshu waxay u baahan tahay dulqaad iyo sugnaan, waayo waxay awoodaa in ay bedesho dadka, isbedel ku samayso mowqifkooda iyo mabaadi’dooda, sidaas awgeed waxay ka dhigan tahay imtixaan adag oo ay dadka oo dhan wada marayaan, waa buundo looga tallaabo nolasha danbe ee aakhiro ee ilaahay uu inoo sheegay, taas darteed waxaa qof kasta waajib ku ah inuu wanaag fale noqdo inta uu nool yahay, waajibka saaran oo dhanna uu guto, waana inuu u dhaqmaa sida qof musaafir ah oo kale wax aan wanaag ahayn uusan falin. Noloshu uma baahna hadal oo kaliya waa in la galaa shaqo joogto ah oo adag, waayo noloshu waa mid gaaban oo aan wax badan dib loo dhigi karin. Noloshu waxay u eg tahay sida ruwaayad dheer oo kale, bogoga qaarkood waxaad kala kulmaysaa farxad iyo rajo, bogag kalena rafaad iyo murugo, waxaa ku dhexjira atoorayaal iyo sheekooyin kala duwan. sidaas awgeed qof kasta waxaa waajib ku ah inuu hagaajiyo dhigista iyo aqrinta noloshiisa si uu farxad ugu noolaado, sida ugu wanaagsanna uga faa’idaysto si noloshiisu u noqoto mid ifaysa, waayo maalmaha iyo habeenadu ma soo noqonayaan waligood, wixii noloshaada ka tagana kuuma soo laabanayaan waa sida tareen dheeraynaya oo aan qofna sugayn oo kale

By Ifrah Mohamed Osman

Email:ifraaxtaakoyar@gamil.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *